Jamhad ka madaxbanaan maamulka Khaatumo oo lagaga dhawaaqay Gobolka Sool weerartayna Ciidamada Somaliland ee Xuddun

0

Jamhad ka madaxbanaan Maamulka Khaatumo ayaa lagaga dhawaaqay Gobolka Sool, kuwaas oo xalay weeraray Ciidamada Somaliland ee ku sugan degmada Xuddun. Jamhada oo magaceeda la yiraahdo Jamhada wadaniga ee midnimada Soomaaliyeed ayaa xalay saacadu markii ay ahayd 2:25 daqiiqo weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidamada Somaliland ee degan aaga Xuddun. Taliyaha Jamhada ayaa sheegay inay weerarkaas ciidamada Somaliland kaga dileen 3, sidoo kalena ay kaga dhaawaceen 17 askari. Hogaamiyaha Jamhada ayaa goojacade.com u sheegay in 24 saac ee soo socda la baahin doono marnaamijka dhaqdhaqaaqan. La soco codkii iyo warkii oo faahfaahsan. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here