Jariifka Xeebaha Puntland Oo Sare U Kacay +Wareysi

0

Bosaso- Waxaa sii Badanaysa Cabashada dadka Kaluumeysatada ah ee dagan dhulka Xeebaha Ku Yaala ee Puntland, Oo Xiligan Shaqo la’aan Baahsan Ay Soo Wajahday. Waxaana dadkaasi sameyn Adag ku yeeshay Kaluumeysiga Sharci darada ah ee Ay sameynayaan Maraakiibta iyo Doomaha Shi-shiye ee Qaarkood Aqoonsiga ka heysta Maamulka Puntland, Bile Nuur Faarax Oo Ah Gudoomiye Ku Xigenka Degmadda Bandar-beyla ee Gobolka Kar-kaar oo la soo xiriiray Warbaahinta Ayaa Baaq culus u diray Madaxda Puntland iyo Somaliyaba, Wuxuuna sheegay in xeebahaasi ay soo galeen Boqalaal Doomo iyo Maraakiib ah, Kuwaas si joogta ah dhibaatooyin ugu geysta Dadka deegaankaasi, Wuxuuna ku hanjabay hadii aan Si deg deg ah wax looga qaban dhibaatadaasi in dadka deegaanadaasi ay qaadi doonaan Talaabo kasto oo ay isaga daafacayaan Maraakiibta shishiyee ee xalufinaya Badooda. Waxuu ka sheekeyay Dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka deegaankaasi, Oo ay ugu badantahay inanba fursad loo siin ay ku kaluumeystaan, Mararka Qaarna Laga burburiyo Agabkooda Kaluumeysiga, Dad badan oo Somaliyeed ayaa qaba in Kooxihii Bur-cad Badeeda ahaa ee Bur-buray ay aas aaskoodii Sabab u aheyd Jariif iyo Dhibaatooyin Xoogleh Oo sidan oo kale loogu geystay Dadka Dagan Dhulka Xeebaha ku yaala ee Puntland. dhegeyso Bile Nuur Gudoomiye ku xigeenka deg. Benderbayla http://allsbc.com/sbcon/wp-content/uploads/2017/02/Wareysi-Bile-Nuur-Bandar-beyla.mp3 Maamulka Madaxweyne Gaas ayaan kaluumeysiga sharci darada ah kal hore u aqoonsaday “Masiibo Qaran ” Inkastoo la xaqiijinayo in inta badan maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ee sida ba’an wakhtigan u xaalufinaya in ay keensadeen Madaxda Puntland ee hadda talada haysa sida madaxweynaha, wasiiro, iyo dad ay qaraabo iyo asxaab yihiin madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Daawo Sawiro ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here