Jarmalka oo sameynaya 5 xarumood oo lagu baaro tahriibayaasha

0

Hogaamiyayaasha xisbiyada haya talada Garmany ee xisbiga Christian Democrats iyo axsaabta yaryar ee la bahoobay sida Social Democrats oo ay hogaamineysay Angela Merkel ayaa waxa ay si wada jir ah u qabteen shir jaraa’id si ay u shaaciyaan heshiiska lagu sameynaayo shan xarun oo gaar ah, oo lagu hayn doono, dadka sheeganaya inay megengelyo doon yihiin. Waxaa ka mid ah dadkaasi kuwa ku dhashay dalal loo arko inay amni yihiin, sida Albaniya iyo Kosovo, iyo dad laga mamnuucay inay ku noqdaan Jarmalka, iyo kuwa diiday inay wada shaqeyn muujiyaan. Kiisaska dadkaan ayaa go’aan looga gaarayaa isbuuc gudihiisa, mana noqon doonaan bil, codsiga labaadna waxa la soo gudbin karaa laba isbuuc oo kale gudahood. Badankoodana waxaa la filayaa in dib loogu celiyo dalalkii ay ka yimaadeen.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here