Jawaari oo mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya

0

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa mar kale loogu doortay xilkaasi doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho, sida uu ku dhawaaqay guddoonka ku meel gaarka ah ee baarlamaanka Cusmaan Boqore. 290 xildhibaan ayaa codeysay wuxuuna Jawaari helay 141 cod, taasoo ka dhigan inaan loo baahaan wareeg labaad maadama uu helay seddax meelood laba meel codadkii la dhiibtay. Musharraxa ku soo xigay ayaa noqday Cabdirishiid Xidig oo helay 97 cod. Guddoomiyaha dib loo doortay Jawaari ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashada. Musharrixiinta laga guuleystay ayaa qirtay guul-darrada. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in beri ay dhacdo doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka. Musharaxiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waday olole xoogan ay ku doonayaan sidii ay ugu guuleeysan lahaayeen Kursigan. Waxaa doorashada kula tartmayay Jawaari, Cabdirashiid Xidig, Cabdifitaah Geesey iyo Idriis. Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay soo doortaan madaxweyne isbuucyada soo socdo. Taariikhda Jawaari Siyaasigan 72 sano jirka ah kuma cusba siyaasadda, oo wuxuu afartii sano ee la soo dhaafay hayay xilka maanat dib loogu doortay. Intii ka horreysayna wuxuu u badnaa shaqooyin uu la la qabtay qaramada midoobay, jaamacad ku taalla Norway oo uu wax ka dhigayay iyo guddoomiye uu ka noqday guddiyo qaran oo qaabilsanaa dastuurka. Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu horay u soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siad Barre ee xukunka laga tuuray sanadkii 1991. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah. Tababar ahaan, waa qareen, wuxuuna prof Jawari horay u soo guddoomiyay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here