Jubba Airways oo madaxda Somalida qaarkood ka bixisa kharashka gudashada Xajka[Warbixin]

0

GAROWE, Puntland- Shirkada diyaradaha Jubba  oo kamid ah kuwa sida gaarka ah ( Monopoly) ugu haysta in dadka Somalida u qaado gudashada Xajka ayaa sida warsidaha GN fahansan yahay ka bixisay Madaxweyne Gaas iyo labo kamid ah shaqaalihiisa madaxtooyada kharashka kaga baxaya Xajka. Shirkada diyaardaha Jubba oo mid kamid milkiilayaasheeda kamid yahay  Barlamanka Federaalka Somaaliya si danaha ganacsigiisa ugu ilaashado ayaa waxaa dhibaato ku qaba dadka Somalida ah ee sanad walba Wadanka Sucuudiga u aada gudashada Xajka kuwasoo laga qaado lacag gaareysa 3900USD qofkii halka Wadanka Jabuuti halkii qof kaga baxdo lacag ka yar 2000USD. Shirkadan ayaa sanad walba madaxda Somaaaliya ee Federalka ah iyo kuwo maamul goboleed siisa safaro lacag la’aan ah kuwaasoo isugu jira   kharashka diyaarada iyo degaanka inta ay ku sugan yihiin Wadanka Sucuudiga. Sidee shirkadu u soo faragalisaa markii Xujeydo cabasho u gudbiyaan madaxda Somalida?  Sanadkii hore xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland oo dhageystey cabasho ka timid qaar ka tirsan dadka xujeyda ah ayaa waxay dacwad u gudbiyeen golaha xukuumada gaar ahaan Wasiirka  Cadaalada iyo Wasiirka duulista Hawada. “Markaan ku guuleysaney in talaabo laga qaado shirkada Jubba Airways ayaa waxaa maailntii dambe ka war heley in shirkada Xajka sanadkaas ku martiqaadey labadii Wasiir ee Puntland ee dacwada lasoo gudbiyey gacanta ku hayey, waxayna sanadkaas kamid noqdeen siyaasiyiintii Jubba Airways lacag la’aan ku soo Xajisiisey” sidaas GN  waxa u sheegey mid kamid xildhibinadii sanadkii hore howshaan qaybta ka ahaa kasoo diidey magaciisa. Madaxweynaha Puntland oo sida aan Wararka ku heleyno sanadkii hore shirkadaan siisey Xaj lacag la’aan ah balse firaaqo u waayey ayaa maanta mid kamid ah diyaaradahooda yaryarka kaga qaadey magalaada Garowe isaga magalaada Bossaso ka sii raacayey diyaarada weyn ee geyneysay Wadanka Sucuudiga.

Maalmihii lasoo dhaafey guud ahaan dalka Somaaliya iyo Puntland waxaa ka jirey cabasho Xujeydo ka muujinayeen in lacago xad dhaaf ah laga qaadayo. Dhinaca kale shirkada Jubba Airways ayaa madaxda dowlada Federaalka qayb ka siisa lacagaha dad xujeyda ah laga qaado sanad walba macaamiilkaas ayaa socdey tan iyo intii dalka Somalia laga soo dhisayey dowladihii ka dambeeyey burburkii. Dowlada cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isal wasare Khayre oo goobo badan ka sheegtey iney la dagaalamayao musuqmaasuqa noocyadiisa kala duwan ayaa weli wax talaabo ka qaadin shirkadaan iyo sida nidaamka dowliga dalka ugu dhex jirto iyadoo dhinaca kale aan shirarka golaha wasiirada ku soo qaadin lacagta xadgudbka ah ee laga qaado shacabka Somalida ee sanad walba aada dalka Sucuudiga. Shirkadaha diyaardaha Somalida oo intii shacabka Somalida ku jireen dagaalada sokeeye qayb ka qaatey isku xirka dalka iyo dibada ayaa hadana dhibaatooyink shacabka ka sheeganayo waxaa keeney tartan la’aanta iyo iyagoo ku milmey nidaamkii dowliga ahaa kuwasoo laaluusha madaxda dowladaha. Dowlada Federaalka Somaaliya oo ka baxdey KMG muddo hadda laga joogo 4 sano iyo Lix bilood ayaa waxa looga baahan yahay in waqtigaan dib u soo celiso shirkadii diyaaradaha Somali Ariline taasoo tan iyo intii burburka ka dhacey dalka aan dib u shaqo bilaabin. Xigaasho:-Mareegta Garowe online Goojacade.com Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here