Kadib Markii AMISOM Iyo Kenya Iska Fogeeyeen…Yaa Dilay 131 Qof Ee Rayidka Ah?

0

Dhinaca kale, dalka Kenya ayaa inkiray in ay jiraan ciidamo Kenyaan ah oo aan ka tirsaneen AMISOM oo ku sugan gudaha Soomaaliya sida ku qoran warbixinta UN-ka, arrintaas waxaa lagu sheegay qoraal uu QM u diray safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo , isaga oo soo jeediyay in qeybtaas warbixinta laga tirtiro. Safiirka Kenya intaasi kuma ekaanin, ee waxaa uu warbixinta QM midoobey ku sheegay mid dabada ka riixaya ajendaha iyo qorshaha Al-shabaab iyo kooxaha argigixisada ah kuwaas oo howlgalka AMISOM mar walba dadka u xumeeyo. Sida ku qoran warbixinta Qaramada Midoobey waxaa jira waxyeelo loo geystay illaa 42 qof oo Soomaali ah(36 dil, 6 dhaawac ah) halka AMISOM ay dileen 4 rayid ah iyaga oo dhaawac u geystay 5 kale. Qaramada Midoobey waxaa ay qoraalka ku sheegtay in ay baareyso in diyaaraha helicopters-ka ay duulayeen waqtiga dhibaatada dhaceysay iyo in kale. Goobjoog News, waxaa ay xiriir la sameysay UNSOM, Laakin wax jawaab ah ma helin. Warbixintan oo lagu sheegay  waxyeello soo gaartay illaa 4,585 oo rayid ah ayaa la la soo bandhigay December 10, oo ku began maalinta caalamiga ee xuquuqul insaanka]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here