Kenya oo dib ula wareegtay Kulbiyow iyo xiisad ka taagan halkaasi

0

Goojacade news: Xaaladda deegaanka Kulbiyow oo ay saaka arootii la wareegeen xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka baxeen Maleeyshiyaadka Al-shabaab, waxaana soconaya howlgallo ay ciidamadan oo ay dhanka hawada ka caawinayaan diyaarado nooca helicopter-ka ay ka wadaan deegaankaasi iyo deegaanada ku xeeran. Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa aroornimadii Jimcaha weerar qorsheeysan ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow ee ku yaal soohdinta kala qeeybisa dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Dagaalyahannada Al-shabaab oo ku qalabeeysnaa hubka noocyadii kala duwan ayaa weerar isugu jiray Ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday saldhigga Ciidamada Difaaca Kenya ay ku lahaayeen halkaasi, waxaana lagu soo waramayaa in kadib dagaal culus oo dhexmaray labada dhinac ay deegaankaasi si buuxda ula wareegeen Al-shabaab. Afhayeenka ciidamada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen ku dhawaad 57 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya, ayna kula wareegeen hub iyo gaadiid ciidan. “Laba gaari oo qarax ah oo ay mujaahidiintu leeyihiin ayaa gudaha u galay saldhiggii ciidamada Kenya ee Kulbiyow ka hor inta aan dagaalka tooska ah lagu qaadin, kadib waxaa dhacay dagaal fool-ka-fool ah, waxaana noo suurogashay in aan deegaankaasi la wareegno,” ayuu afhayeenku hadalkiisii raaciyay. Dadka deegaanka oo ay xog wareeysatay shabakadda Goojacade ayaa sheegay in dagaalku socday ku dhawaad laba saacadood, kadibna ay arkayeen Al-shabaab oo magaalada ku gubaya gaadiid ay qabsadeen. “Aroortii markay ahayd ayaan maqalnay madaafiic, kadib waxaa xigay qaraxyo waaweyn iyo rasaas xooggan oo ay labada dhinac is weeydaarsanayeen, Al-shabaab magaalada gawaari badan oo qarax ah ayay kusoo weerareen,” sidaa waxaa yiri goobjooge ku sugan Kulbiyow. Waxa uu yiri “Magaalada dadkii shacabka ahaa ee deganaa waa isaga carareen oo howdka ayaa la galay.” Xaaladda Kulbiyow ayaa kacsan, ayadoo ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ay haatan ku suganyihiin deegaankasi, waxayna dadka deegaanku sheegayaan in ay arkayeen gaadiid ciidan oo tira badan oo ka yimid dhanka Kenya oo soo gaaray deegankaasi. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa weerar kan lamid ah oo ay Al-shabaab kula wareegeen saldhiggii ciidamada difaaca Kenya ee deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo 5-ta bishii Janaayo 2016, kaa oo la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 100 askari, walow dowladda Kenya aysan wax war ah kasoo saarin qasaaraha weerarkaasi.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here