Kenya oo lagu eedeeyay inay koonfurta Soomaaliya ku dishay dad shacab

0

Qaramada Midoobe ayaa dowladda Kenya ku eedeeysay in ay dhibaato fara badan u geystay dadka Soomaaliyeed ee kunool Koonfurta Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in duqeymaha aan loo meel dayin ee dowladda Kenya ay ka wado koonfurta Soomaaliya in lagu dilay dad badan oo shacab ah iyo sidoo kale xoolo. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in diyaaradaha dalka Kenya ay ku dileen koonfurta Soomaaliya dad shacab ah oo tiradoodu tahay 29 qof kadib weerarkii dhimashada badnaa ee Shabaab ay ku qaadday Saldhig Millateri oo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde. Ciidanka dowladda Kenya ayaa duqeymo badan waxa ay ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo,waxaana dadka deegaanadaasi kunool ay dowladda Kenya ku eedeeyeen in ay xasuuqday dad iyo sidoo kale xoolo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here