Kenya oo sheegtay in ciidamadooda Somaliya ku jiraan xaalad adag oo halis ah

0

Dowladda Kenya ayaa weli ka aamusan in ay xaqiiqda rasmiga ah ka sheegto weerarkii jimcihii ay AL-Shabaab ku qaaday xerada Ceelcadde ee ciidamada Kenya, halkaasoo xasuuq ba’an loogu geystay. Wasiirka gaashaandhiga haweeneyda la yiraahdo Raychelle Omamo ayaa sheegtay in dowladda iyo shacabka Kenya dareemayaan xanuun iyo murugo, balse taasi macnaheeda aheyn in ay ka niyad jabaan howlgalkii ay u tageen Soomaaliya. Waxay intaa ku dartay in xaalada ciidamada Kenya ee ay wajahayaan ay tahay mid halis ah oo weli ay socdaan howlgallada Soomaaliya. Wasiirada oo dhinaceeda uu taagnaa Taliyaha milateriga Gen. Samsom oo si wadajir ah usoo dhoweynayay dhaawacyadii laga dejiyay Nairobi ayaa waxay sheegeen in ciidamada Kenya ay soo gaartay xaalad adag balse ay ka go;an tahay inay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab. DAAWO VIDEO https://youtu.be/dc80czMeXyY]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here