Kenya oo soo bandhigtay sawirada 5 qof oo damacsan iney qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliyaan

0

Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa soo bandhigay sawirradda Shan Kenyan oo ay ku jiraan Lamaaneyaal isqaba kuwaasoo la rumeysan yahay inay haatan ku sugan yihiin Xeryaha Alshabaab ee ku yaalla gudaha Somalia. Warbixinta ayaa lagu sheegay inay Hay’adaha Ammaanka heleen ilo dhinaca Sirdoonka oo muujinaya inay Shantaas qof qorsheynayaan inay weeraro ismiidaamin ah ka geystaan gudaha dalka Kenya. Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi oo loo soo dusiyey Warbixinta Hay’addaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in Haweeneyda lagu magacaabo Shamiin Wanjiri Hussien oo ka mid ah dadka lala xiriirinayo Alshabaab inay suurto-gal tahay inay fuliso waxa loogu yeero Hawlgal Is-qarxin ah, inkastoo aan la shaacinin Xiliga iyo Goobta ay fulin doono Qaraxaasi. Hay’addaha Ammaanka Kenya waxaa kaloo ay sheegeen in Ninka ay u dhaxdo Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Omar Patroba Kama uu ka mid yahay Dagaalamayaasha Alshabaab ee bishii June weerartay Xeradda Milliteriga Kenya ku leeyihiin Deegaanka Baure ee Gobalka Lamu. Liiska iyo Sawiradda xubnaha ay Hay’addaha Ammaanka Kenya soo bandhigeen waxaa kaloo ka mid mid ah Anwar Yogan Mawok oo ahaan jirey Ciyaartoy u safta Kooxda K/cagta ee Mathare United ee Kenya iyo Labo Dagaalyahan oo lagu kala magacaabo Omar Pweyti iyo Ramadaan Kiyooko.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here