Khaatumo oo kala yaacday Shirtag oo hadlay iyo Cali Khaliif oo Hargeysa u carari doona

0

Gudoomiye Kuxigeenka Khaatumo ayaa ka hadlay burburka ku dhacay kooxdiisii khaatumo ee Cali Khaliif hogaaminayey iyo Xilka qaadis lagu sameeyey, isagoo ku tilmaamay sharci daro. Gudoomiyaha ayaa eedayn dusha uga tuuray Cali Khaliif iyo kooxdiisa. Cali khaliif oo Shacabka SSC ay kalsoonidii kala noqdeen ayaa hada wuxuu goray haadwaayey ku yahay xuduud Ethiopia, kadib markii laga wada caydhiyey degaamadii SSC. Cali Khaliif oo iminka xaalad baxsad ah ku jira waxaana la filayaa inuu ayaamaha soo socda u cararo Magaalada Hargeysa. Cararka Cali maaha mid ku cusub shacabka Somaliyeed oo 40 sano ee ugu dambeeyey wuxuu ku jiray Carar. Tegista Hargeysa maaha mid wax ka bedeeli doonta ama saameyn ku yeelan doonta degaamada SSC. Daawo Shirtag: https://youtu.be/zA_pP63a_IM]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here