Khasaare ka dhashay Dagaalka maanta Gaalkacyo ka dhacay

0

Dagaalo aad u qaraar oo subaxnimadii horre ee maanta ka qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa wararku sheegayaan inay ka dhasheen khasaare baaxad leh islamarkaana dhimashada labada dhinac ay kor u dhaafeyso 40 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Puntland iyo Galmudug. Dagaalkan maanta ayaa ka duwanaa dagaaladii horrey uga dhacay Gaalkacyo, waxaana uu ahaa mid uu ka dhashay khasaare baaxad leh. Saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland, ayaa sheegtay inay gaadiid qabsadeen. Ma jirto ilaa iyo hadda cid rasmi ah oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo ka warbixisay dagaalka maanta. Dhinacyada Puntland iyo Galmudug oo ka kala hadlay Dagaalkan ayaa midba midka kale ku eedeeyay, waxaana bur buray heshiiskii Magaalada Dubai ay ku gaareen Madaxda Puntland iyo Galmudug.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here