Khasaaro xoog leh oo ka dhashay dagaalka Gaalkacyo

0

Inkastoo aan lahayn xaqiiqada dhabta ah, hadana waxaa la soo sheegayaa in dgaalka maanta Gaalkacyo ka dhacay uu sababay tobanaan dhinasho ah oo isugu jira Puntland, Galmudug iyo dad rayid ah. Wararka ayaa intaas ku daraya magaalada layskala baxay oo dagaalka badankiisu ka dhacay duleedka magaalada, isla markaana la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la geeyay Cisbitaalada Magaalada oo lagu dawaynayo. dagaalka waxaa bilaabay ciidamo ka soo jeeda Maamulka Galmudug, laakiin Ciidamada Puntland ayaa gurmad ballaaran helay gelinkii dambe ee maanta, taas oo u suurta gelisay inay gacan sareeyaan. Ra’iisul Wasaare Sharmaarka oo la hadlay Saxaafadd ayaa sheegay inuu rajaynayo in xal laga gaaro xaaladda Gaalkacy, waxaana uu xusay in Guddi uga soo tagay Puntland, guddigaas oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here