Khilaaf ka taagan wadatashiga Hiigsiga 2016, muxuuse salka ku hayaa?

0

Waxaa la filayaa inuu baaqdo shirkii looga hadli lahaa arrimaha doorashada 2016-ka oo maanta Madaxda dowlada Somalia iyo Maamulgoboleedyada uga furmi lahaa Magaalada Muqdisho. Muranka shirku u furmi la yahay ayaa salka ku haya is-faham la’aan ka dhex aloosan Maamulgoboleedyada iyo Dowlada Federaalka, taasoo salka ku haysa nooca doorashada ee la qaadanayo iyo habka xildhibaanada Baarlamaanka cusub lagu soo xulayo oo ah hab degaan in wax lagu soo xulo iyo nidaamka 4.5. Hab deegaan in xildhibaanada lagu soo xulo waxaa isku fikir ka ah maamulada Puntland iyo Jubbaland, halka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobaladda kale qaarkood isku raaceen in lagu saleeyo 4.5 oo ah nidaamka ay ku dhisan tahay dowlada hadda jirta iyo kuwii KMG ahaa ee ka horeeyey. Kulamo soo bilowday maalintii Arbacada oo socday muddo saddex bari ayaan wax natiijo ah ka soo bixin ka dib markii lagu kala aragti duwanaaday nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sanadka 2016-ka. Shirarka saddexda beri soo socday ujeedada laga lahaa ayaa ahayd in la isku raaco hal mowqif ka hor inta uusan furmin shirka, ka dibna laga soo saaro go’aan lagu Midaysan yahay. Wakiilada Beesha caalamka ayaa dadaal ugu jirta dhex-dhaxaadinta maamulada ku kala aragti duwan degaanka iyo 4.5 waxayna wakiilada Muqdisho ku sugan wadaan in meel dhexe la iskugu keeno. Guddiyada matalaya dhinacyada ku sugan Muqdisho ayaa diidan iney tanaasulaad sameeyaan mana muuqato illaa hadda xal loo helay sidii mowqif mideysan looga qaadan nooca doorashada la qaadanayo. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here