Khilaaf soo kala dhex galay Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka (Akhriso)

0

Khilaaf iyo loolan dhanka awoodda ah ayaa ka soo if baxay Guddoonka Labada Gole ee Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo markii u horeysay uu Aqalka sare uu shaaciyay inuu mugdi ku dhex jiro wada shaqeyn dhex marta labada gole Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa ka soo hor-jeestay kulan lagu wado in dhowaan magaalada Baydhabo ay ku yeeshaan Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada, kaasoo uu qaban qaabinayo Golaha shacabka. Warqad qoraal ah uu Guddoomiyaha Aqalka sare uu u kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada, laguna ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa lagu dalbaday in la joojiyo shirka lagu qaban doono magaalada Baydhabo, kaasoo lagu tilmaamay mid lagu bur burinayo laguna kala dhantaalayo nidaamka federaalka. Waxaa la faray Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada in aanay ka qeyb gelin shirka ka dhici doona magaalada Baydhabo Qoraalka oo ahaa mid kulul ayaa lagu sheegay in Golaha shacabka uu u shaqeynayo sidii Baarlamaankii 9aad, xilligaasoo aanu dhisneyn Golaha Aqalka sare, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay Aqalka sare inuu u xil saaran yahay matalaada dowlad goboleedyada, ahna gole ilaaliya ku dhaqanka iyo xoojinta nidaamka federaalka Ugu dambeyn waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo lagu wargeliyay inuu si dhow ula socdo wadashaqeynta Labada Gole oo lagu xusay inuu mugdi ku dhex jiro, tan iyo markii la aas aasay Aqalka Sare. Halkan hoose ka akhriso Warqada uu qoray Guddoomiyaha Aqalka sare.   Goojacade News Muqdisho-Soomaaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here