KHILAAFKA MAXAMUUD XAASHI IYO BAASHE CALI JAAMAC OO CIRKA ISKU SII SHAREERAY

0

Khilaaf la sheegay inuu ka soo bilaabowday shirkii Awrboogeys oo u dhexeeya Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi oo ah ninka hada ugu awooda badan Wasiirada ama la odhan karo (Wasiirka Wasiiradda) iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac oo ah nin taageero balaadhan ku leh Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa khilaafkoodu maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogaysanaya. Inkastoo ay labo Wasiir siman yihiin, hadana waxaan la dafiri karin awooda dheeraadka ah ee Maxamuud Xaashi oo u gudubta waajibaadka Wasiirada kale. Dagaalkan u dhexeeya labada masuul ayaa lagu tilmaamaa inuu salka ku hayo loolan awoodeed oo ku saabsan doorashada soo socota iyo cida gacantooda dhiibi doonta dadka cusub ee iska diiwaangeliyey Gobolada Sool iyo Sanaag. Dhinac waxaa jira qodobo tiir dhexaad u ah ayaa qoloba wax ku dagaalamaysaa, Baashe wuxuu ku faanayaa waxqabadkiisii Awrboogeys iyo Adhicadeeye, wuxuu ku guuleystay diiwaangelinta Sool iyo Sanaag oo tiro aan laga filayn iska diiwaangelisay marka la dhinac dhigo waqtiyadii hore. Baashe wuxuu Maxamuud ku eedaynayaa inuu dib u tirtirayo waxqabadkiisii, midnimadii beesha iyo Somaliland ee uu ka soo shaqeeyey, sidoo kale gacan dhaaf iyo la tashi la’aan arimaha degaanka oo uu caadeystay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga oo mudo saacad ka yar ku jiray ayuu si toos ah ugu weeraray Maxamuud Xaashi, isagoo ku eedeeyey xagal daacinta midnimada Qaranka iyo waxqabadka Madaxweynaha. Maxamuud Xaashi ayaa isna eeda saaraya hab dhaqanka Wasiirka, wuxuuna guud ahaan la dhinac maray taladii degaanka iyo midhihii waxqabadkiisa, wuxuu adeegsanayaa qaar ka mid ah Cuqaasha Maxamuud Barri oo hada Mushahar joogto ah ka qaata Madaxtooyada oo shaqaale isu bedelay iyo Qoraxjoogta degaanka ka soo jeeda, oo u badan kuwii markii hore Baashe la socon jiray, hadase ka naq-raacay. dog-with-bone Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wasiir Baashe Cali Jaamac uu gelista Madaxtooyada kala kulmo baadhis dheeraada iyo ishortaag, taas oo uu ku eedaynayo Wasiirka Madaxtooyada. Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (FARATOON) oo ay Baashe Cali Jaamac saaxiib ahaayeen, ayaa iminka xidhiidh dhow la leh Qoraxjoogta isu bahaystay tuurista Baashe, wauxuuna u muuqda imaan lahayn hogaamintii Baashe, mararka qaarkoodna wuxuu u muuqdaa inuu jeclaan lahaa in Baashe kodada la weydaariyo, maadaama joogistiisu ay hadhaynayso, waxaana marag madoon ah in xubno aan miisaan siyaasadeed iyo taageero toona haysani ay ka faramaroojiyeen taladii Beesha Maxamuud Garaad. Si kastoo Maxamuud Xaashi u awood badan yahay, hadana waxaa la sheegayaa inay guuldaraysteen dhowr iskuday oo la doonayey in Baashe Golaha Wasiirada lagaga tukhun tukhiyo, kadib markii uu is hortaagay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Marwadiisa, sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo sheegay in aan layska indha tiri karin waxqabadkii Baashe Cali Jaamac iyo sumcada uu ku leeyahay shacabka Somaliland dhexdiisa. Shir aan taageero ka haysan shacabka oo dhowaan Cuqaasha Maxamuud Barri loo yeedhi doono Magaalada Xuddun, ayaa la saadaalinayaa inuu yahay maqaarsaar ka mid ah isku dayadii ugu dambeeyey ee lagu rifayey Baashe. Inkastoo isbedelka ka dhacay Gobolada Bariga ay tahay midhihii waxqabadkii Baashe, hadana iminka talada lagama qaybgeliyo, sidoo kale inkastoo dhowr Caaqil uu hunguri jiitay, hadana waxaan muran ku jirin taageeradda iyo qaderin balaadhan ee uu Baashe ku leeyahay degaamadda Sool, Sanaag iyo Xaysimo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here