Koox maqaarsaar u ah Cali Khaliif oo Nairobi ka wada shir Isimada SSC iyo sameynta USP 2016

0

Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa ka socda isku deyn la doonayo in lagu bakhti afuufo kooxdii burburtay ee Cali Khaliif oo hada hadhaadigoodii ku dhuumaalaysanyo degaanka Balicad. Iskudaygan oo tuurta loo soo saaray xubno ku cusub saaxada siyaasada oo ka soo jeeda degaanada Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa waajib la siiyey uu yahay: In Isimada Dhulbahante laysugu keeno Magaalada Nairobi oo shir loogu qabto. In Isimada soo saaraan Qoraal cadeynaya in Beesha Dhulbahante si buuxda oo midaysan uga baxday Puntland. In Isimadu Cali Khaliif iyo koox la socota u ansixiyaan USP 2016 oo ah qorshe cusub oo la doonayo in loo isticmaalo damaca doorashooyinka Federalka Somalia ee 2016. In Cali Khaliif loo sharciyeey inuu yahay hogaamiyaha laysku raacsan yahay ee degaamada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo Ansixinta gudiyadiisa. Qorshahan ayaa ah mid si gaar ah diirada loogu saarayaa Garaadka Guud ee Beelaha Maxamuud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah Xariga Isku haya Harti iyo SSC, xadhigaas oo kooxo badani isu baahaysteen sidii ay u jari lahaayeen, iyagoo hadimo kasta oo Cali iyo kooxdiisu maleegayaan taako ku noqday. Kooxdan oo dhaqaale dib u heshiineed waydiisatay safaaradaha reer galbeedka ee Nairobi degan, ayaa haddii ay helaan kaalmadan waxay dhowrka casho ee soo socda xooga saari doonaan sidii Garaad Saleebaan loo ogolaysiin lahaa inuu Nairobi yimaado oo shirka Isimada iyo USP 2016 ka qaybgalo. Xubno farabadan oo ka soo jeeda Beesha Ugaadhyahan ayaa loo abaabulay inay Garaadka culays ku saaraan sidii u aqbali lahaa inuu Nairobi tago. Horey ayaa Cali iyo kooxdiisu ugu fashilmeen inay shir isugu keenaan Isimada SSC iyo in Maamulkiisa lagu midoobo. Si kastba hayska ahaatee dhowrka maalmood ee fooda inagu soo haya ayaa la sugayaa in qorshaha kooxdani uu banaanka u soo baxo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here