KOOX QALIN-SHUBATO SIYAASADEED AH OO MUQDISHO KA DILAACDAY

0

Wararka laga helayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in koox QALIN-SHUBATO SIYAASADEED ah ay Muqdisho ka dilaacday. Kooxdan oo ay hormuud u yihiin:- 1. Sadiq Abshir Garaad (Xildhibaan Puntland ah). 2. Keyse Cawl Cali (Xildhibaan Puntland ah). 3. Qawdhan Abshir Garaad (Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland). Waa koox dhalinyaro u badan waxayna dabayaaqadii Disember 2016 kasoo hayaameen Puntland iyagoo soo raacay qaar ka mid ah xildhibaanadii DFS ee Puntland lagu soo doortay oo ay ugu abaal sheeganayeen kaalintii ay ku lahaayeen sifo musuq-maasuq oo ay qaarkood xildhibaano ku noqdeen. Kooxdan oo qorshahoodu ahaa in ay lacago kaga qaataan codadka xildhibaanadaas musharixiinta gudoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ugu horeyn waxay tirakoob ku sameeyeen musharixiintii gudoonka labada aqal iyo madaxtooyada. Waxay xidhiidho la sameeyeen taageerayaasha musharixiinta kala duwan si ay ula kulan siiyaan musharixiinta. Waxayna la kulmeen dhamaanba musharixiinta iyagoo mid walba u sheegay in ay u hayaan codad xildhibaano 10 qof gaadhaya oo u dooranaya xilka uu u sharaxan yahay bedelkeedana ay ka rabaan lacagta codadka xildhibaanadaas. Iyagoo si hadalkooda loo rumaysto qaar ka mid ah xildhibaanadaas lala kulansiiyey musharixiinta. Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in ay musharax walba kula heshiiyeen lacag ay qayb hormarsadeen qaybna bixinteeda lagula balamay doorashada xilka uu doonayo kadib. Hase yeeshee Xidhiidhka ka dhexeeya musharixiinta iyo taageerayaashooda ayaa muddo kooban kooxdan QALIN-SHUBATADA ah caan kaga dhigay Muqdisho. Walow ay jirto lacago door ah oo ay bilowgii Muqdisho kaga urursadeen QALIN-SHUBATAYNTAAS. Waxaana la sheegayaa in Musharax waliba wakhtgan ka feejigan yahay, uusana aaminayn waxa ay kala hadlaan. Dhamaantoodna ay isu wada sheegeen. Sidoo kale Wararka laga helayo Caasimada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah musharixiintii u tartamey gudoonka labada aqal ay ka war heleen in ay khiyaameeyeen. Ayna ka dalbadeen in ay usoo celiyaan lacagihii ay ka hor marsadeen walow ay ku doodayaan in codadkii ay ka iibiyeen la siiyey. Arinta ku saabsan kooxdan QALIN-SHUBATADA ah ee Muqdisho ee ayaamahan ugu hadalhaynta badan ayaa ah in Xildhibaan Faarax Cabdi qaadir oo ay codadkaas kaga iibiyeen lacag gaadhaysa boqolaal kun oo doolar oo qayb laga hormarsaday qaybna doorashada kadib lagula heshiiyey oo guul daraystay la weydiistay lacagtii hadhsanayd doorashadii uu ku guuldaraystay kadib. Taas oo keentay in cid waliba ogaato. Kuna tilmaanto fal aad u xishood daro ah. Wararku waxay intaas ku darayaan in mid ka mid ah taageerayaashii Faarax C/Qaadir uu ergo arimahaas ku saabsan ugu tegey odayaal ay Kooxdan QALIN-SHUBATADA ah isku hayb yihiin. Loona balansan yahay. Qaar ka mid ah xildhibaanada ay magacooda ku QALIN-SHUBATEEYAAN ayaa la sheegayaa in ay arimahaas aad uga xun yihiin. Kadib markay goobo badan oo la geeyey weji-gabax kala kulmeen. Nidaamkan foosha xun ee Kooxdani Muqdisho la tagtay ayaa ah mid ay hore Puntland ugaga dhaqmi jireen. Iyagoo musharixiinta Puntland sidaas oo kale lacago ugaga qaadan jirey. Musharax walbana ku odhan jirey waanu ku dhisayna ugu danbayntana musharaxa soo baxa ku odhan jirey waanu ku dooranay. Walow fadeexadi kusoo baxday markii Doorashadii Puntland ka dhacday 2014 qaar ka mid ah musharixiintii tartamayey ay Saadiq Abshir Garaad iyo Keyse Cawl Cali goob fagaare ah kaga soo ceshedeen lacagihii ay laaluushka uga qaateen. Arimaha doorashooyinka oo qura maaha sifooyinka kooxdani wax ku QALIN-SHUBATEEYEEN ee waxaa jirta lacago badan oo ay Musharixiinta, Madaxda Maamulada Dalka, iyo ganacsato kaga urursadeen Magaca Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo muddo sanad ah dalka Imaaraadka ku xanuunsan. Waxaana ugu danbaysay lacag 40,000/ (Afartan) kun oo doolar ah oo Maamulka Jubaland uu Saadiq Abshir Garaad todobaadkii hore kaga soo qaaday Kismaanyo si wax loogaga qabto Caafimaadka Garaadka. Iyadoo aan haba yaraatee waxba laga gaadhsiin lacagahaas magaciisa lagu urursanayo, dhowaana warbaahinta loo soo bandhigi doono tirada lacagahaas iyo meelihii laga qaaday.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here