KOOX REER MAXAMUUD GARAAD AH OO KU FASHILMAY BALAMO AY LAASCAANOOD KU SOO GALEEN

0

Koox isugu jirta Wasiiro, Isxambaar, Xisbiga Kulmiye iyo qoraxjoogta Hargeysa oo bishii Mars horaanteedii Laascaanood tegay ayaa ku fashilay inay fuliyaan balamo ay ka soo qaadeen Beesha Maxamuud Garaad oo tirsanaysay in lagaga baxay heshiisyo ay Xukuumada Somaliland kula gashay Shirarkii Awrboogays iyo Adhicadeeye. Waqtigii balanqaadka ayaa waxaa ka soo wareegtay mudo bil ah, waxaana la cadeynaya in aanay Masuuliyiintu Beeshu aanay weli gaadhsiinin Madaxtooyada, taas oo muujinaysa Awood la’aanta Xubnaha Beesha ugu jira Xukuumada, oo la gaadhsiiyey in aan ilaa hada laga waraysan waxay Laascaanood ku soo arkeen ama waxay la tahay. BALAMAHA ay soo qaadeen waxaa ka mid ah : In la fuliyo Heshiisyadii Awrboogays iyo Adhicadeeye iyo In la fasaxo Kabelka Internetka ee lagu hor fadhiyo degaanka Higlada. Isku shaandhayn la hadal hayo ayaa loo badinayaa inuu ku jiro Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, oo marba qofka lagu bedelayo suuqa lagu soo tuurayo, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ee ilaa xalay soo baxayey ay sheegayaan Xasan Geerash oo ah nimay aad isugu dhow yihiin beel ahaan. Shirarkii Awrboogays iyo Adhicadeeye ayaa ahaa kuwo loogu talogalay in Kooxda Khaatumo lagu ogolaysiinayey inay wadahadal la furaan Somaliland, halka qaar badan oo beesha Maxamuud Garaad ahi isku qancinayaan inay ahaayeen kuwo daacadnimo ku jirtay. Shir ay filayeen in Xisbiga Kulmiye Magaalada Hargeysa gaar ugula yeesho ayaa laga dhigay Beesha Dhulbahante, si loo dhowro wadahadalka ay Somaliland kula jirto kooxda Khaatumo oo ku adkaysatay inay iyagu metelaan dhamaan Reer SSC, aanayna aqbalayn in Beel si gaar ah loola shiro ama heshiis loola galo, taasoo u muuqata in Somaliland la qaadatay, Xisbiga Kulmiyena wuxuu ka mid yahay ergada wadahadalka Wada. Xigaasho:-Www.xaysimo.com Goojacade.com Hargeysa-Somaliland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here