Koox Wasiiro iyo Kulmiye ah oo berito ku sii jeeda Degmada Xuddun

0

Wararka ka imanaya degaanka Adhicadeeye ayaa xaqiijinaya in Raxan Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Somaliland ayaa ku sii jeeda Degmada Xuddun oo ka tirsan Gobolka Sool. Wasiiradan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi, oo ah ninkii bedelay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi. Weftigan ayaa la sheegay inay maanta odayaal iyo cuqaal horbayanyo ah u direen Xuddun. Weftigan ayaa qayb ka noqonaya weftiyo ka socda Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye oo beryahanba isaga daba noqonayey Gobolada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo baadigoob ugu jira taageero raadinta Xisbiga Kulmiye oo aan lixdii sano ee uu talada hayey gabay waxqabadkii laga filayey. Weftigan ayaa la filayaa inay dhagaxdhigaan dhowr meelood, sidoo kalena ay furaan dhowr meelood. Lama garanayo dhagaxdhigan waqtiga la fulin doono. Xisbiga Kulmiye ayaa maanta u baahan taageerada Shacabka Sool iyo Sanaag Barri oo hore Gudoomiye Muuse Biixi u sheegay in aanay codeyn oo aanu Madaxweyne kuxigeen ka qaadanayn.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here