Kooxda Cali Khaliif xabado ku riday Ciidamada S/LAND ee Xuddun si Axadda loogu qaadhaanto

0

Kooxda uu hogaamiyo talo-xumaalaha Cali Khaliif Galaydh oo beryahanba godoon ku jirtay, shacabka Sool iyo Sanaagna kalsoonidii kala noqdeen oo iska caydhiyeen, ayaa ayaamihii ugu dambeeyey waday qorsheyaal iyo dhaqdhaqaaq ay doonayaan inay dib ugu helaan dhaqaalihii ay ka gooyeen qurbajoogta Sool iyo Sanaag oo goaansaday in aanay lacagtooda dib dambe ugu khasaarayn taloxumada Cali Khaliif. Xalay waxaa Ciidamada Somaliland ee Aaga Xuddun xabado ku tuurtuuray koox dhalinyaro ah oo ka soo jeeda dadka degaanka kuwaas oo dhaqaale lagu jiitay. Ilaa hadda lama hayo wax khasaare ah oo labada dhinac gaaray. Dhaqaaqan iyo kuwo kale oo ayaamaha soo socda la sameyn doono ayaa ah riwaayad cusub oo la doonayo in qurbajoogta lagaga urursado dhaqaalihii uu Cali Khaliif dhowr Isim Muqdisho ugu kaxaysan lahaa, kuwaas oo uu u adeegsan doono in isaga iyo Garaad Jaamac Garaad Cali qoraan Kuraasta Federaalka ee Dhulbahante, wuxuuna xooga saari doonaa inuu Federaalka ka dhaadhiciyo in Garaad Jaamac Garaad Cali uu yahay Garaadka Guud ee Dhulbahante xaqana u leh inuu Xildhibaanada soo xulo. Maalinta Axadda oo caado u noqotay in kooxda Cali Khaliif qaadhaamato ayaa la filayaa in teleconference badan la qabto si qurbejoogta loo gado riwaayada todobaadkan oo ah dagaalka baa la gelayaa, arintaan oo dhowr jeer lagu maxaafsaday. Sikastaba hayska ahaatee inta shacabka degaamada Sool iyo Sanaag aanay taageersanayn, Cali Khaliif iyo Kooxdiisa cidna wax kama qaadi karaan, dhibna kuma noqon karaan Somaliland iyo Puntland, sidoo kale ma helayo dhaqaale uu howlihiisa ku fushado oo huteelada ku seexdo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here