KOOCXDA DAACISH OO QOORTA KA JARTAY DHOWR QOF OO SHACAB IYO ASKAR AY KU SHEEGEEN GOBOLKA BARI

0

QANDALA- Kooxada Daacish ayaa madaxyada 5 kamid ah dadkii ay dhawaan afduubteen waxay soo dhigeen tuulada Gardaadin iyo Karimo oo qiyaastii u jirta Degmada Qandala 55KM taas oo shacabku ka argagaxeen. Sadexda ruux ee madaxyadooda la soo dhigay tuulada Karimo, waxay kamid ah ahaayeen 5 qof oo kooxda Daacish, afduub ugala degeen gaari kadib markii asbuucii hore ay jidka u galeen baabuur shacab iyo ciidanka Puntland saaran yihiin halka labo kale ay dhigeen tuulada Gardaadin. Mid kamid ah dadka deegaanka madaxyada ragaan la soo dhigay ayaa diiday in magaciisa aan shaacino isaga oo ka cabanaya Daacish, waxa uu sheegay in 3 madax ee ragaan lagu soo daray warqad ay ku qoran yihiin magacyadooda iyo sadex bari kala aasa oo iskumar yaan la aasin fariintaas oo weli shacabka tuuladaas la yaaban yihiin. Dhanka kale tuulada Gardaadin ayaa iyadana waxaa saakay laga helay laba Madax oo ah askar Puntland katirsan oo Daacish unuunka ka goysay. Waxaa mudooyinkii dambe soo xoogaysanayay xoogagga xagjriinta ah ee ku sugan Puntland gaar ahaan Bariga fog iyo buuralayda Galgala, dhawaan ayayna ahayd markii garab katirsan Shabaab iclaamiyeen inay kamidyihiin Daacish. Tilaabadaan ayaan la ogeyn waxa dawladda Puntland uga jawaabayso iyadoo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu safar ku marayey Bariga Puntland oo la arkayey ciidamo iyo wafuud badan oo la dalxiisaysa, waxayna kusoo aadaysaa iyadoo waddada Qandala iyo Bosaso isku xirta uu hakad soo galay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here