Kooxda Dacish oo sheegtay iney weerarkii ugu horeeyey ku qaaday ciidanka AMISOM

0

Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay sheegatay masuuliyada weerar ka dhacay gudaha Soomaaliya. War ay soo saartay kooxdan oo ku qornaa luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga ayaa waxay ku sheegtay iney weerar la eegteen Ciidamada AMISOM oo marayay degaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho. Warka Daacish waxa lagu sheegay in kooxda ay burburisay gaari ay wateen Ciidamada AMISOM ayna dileen askartii la socotay. Waxaa warkan lagu faafiyey wakaalada wararka AMAQ oo hoos tagta kooxda Daacish, laguma sheegin warka xiliga uu weerarkan dhacay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here