KOOXDA KHAATUMO OO KU FAANTAY BURBURINTA HESHIISKII AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE

0

Kooxda Khaatumo ee dhowaan heshiiska Somaliland kula gashay Magaalada Adis Ababa, ayaa qabtay shir TELEFOONKA (Teleconference) oo ay taageerayaashooda ugu sharaxayaan Heshiiskii ay Somaliland la gaareen. Khaatumo ayaa Nuxurka heshiiskooda u fasiray Maamul Goboleed Somaliland ka tirsan oo iyaga lagu wareejin doono, kadib marka dhamaan degaamada Khaatumo ay Somaliland maamulka wada gaarsiiyo oo ka dhigto meel ay maamuli karaan, oo loo sameeyo ciidamo iyaga ka amar qaata. Khaatumo ayaa sheegtay in guushooda ugu weyni ay ahayd inay burburiyaan HESHIISKII AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE oo beel qudha = (MAXAMUUD GARAAD) lala galay, sidoo kalena ay ishortaageen Ciidamo loo qori lahaa ama loo tayeyn lahaa, taas oo ay ula jeedaan Ciidan qoris iyo tayeyn ka mid ahayd Heshiiskii AWRBOOGEYS ee beesha MAXAMUUD BARRI. Kooxda ayaa sheegtay inay iyagu codsadeen in Ciidamada Somaliland ku sii sugnaadaan degaamada SSC, si aan ciidamo beel qudhiya ahi = (JAAMAC SIYAAD) Laascaanood ula wareegin, ilaa inta ciidamada dib loo qaabaynayo, oo macnaheedu yahay in Ciidamada INA CANBAASHE ka taliyo oo badankoodu ka soo jeedaan Beesha Jaamac Siyaad qaarna la eryo, qaarna la bedelo. Kooxda Cali Khaliif oo wax badan dedaya ayaa muujiyey inay ku guuleysteen in Taladii DHULBAHANTE iyaga loo daba fadhiisanayo, maadaama ay Somaliland u ogolaatay in wixii aan iyaga ahayn oo loo bixiyey GACAN SADEXAAD = (oo loola jeedo Isimadii, Beelihii iyo Siyaasiyiintii ka hor yimaada) meel looga soo wada jeesto, arintan oo ah midii uu Cali Khaliif Galaydh mudada dheer u halgamayey oo ahayd u aqoonsiga (SIYAASIGA GUUD IYO GARAADKA GUUD). Burburinta Heshiisyaddii Awrboogays iyo Adhicadeeye ayaa qaatay loolan 4 bilood socday oo u dhexeeyey Wasiirkii Hore ee Biyaha Baashe Cali Jaamac oo hogaamiye ka ahaa iyo Madaxtooyadda Somaliland oo adeegsanayey Qoraxjoogtii SSC ee 25 sano dhulka ka shaqaysan jirtay, oo aan shacabka taageero iyo metelaad ka haysan, iyadoo bishan bilowgeedii si goobasho ah Baashe Xilka looga qaaday, taasoo si weyn uga farxisay Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa, oo ugu hambalyeeyey Wasiirka Madaxtooyada SL Maxamuud Xaashi, maadaama uu ka leexiyey hogaamiye Baashe Cali Jaamac oo caqabad ku ahayd. MACNAHA 11 QODOB EE HESHIISKA: Qodobka 1aad: Waa maamuus, xidhiidh iyo saaxiibtinimo bilow. Qodobka 2aad: Waa adkaynta iyo takiidin Xidhiidhkooda. Qodobka 3aad: Waa in talada Dhulbahante loo daba fadhiisto kooxda Khaatumo (SIYAASIGA GUUD IYO GARAADKA GUUD), iyo in Heshiiskii AWRBOOGAYSNA laga baxay, Beelihii lala galayna ay ka mid yihiin Gacanta sadexaad ee meesha looga soo wada jeensanayo. Qodobka 4aad: Macnihiisu Waa wixii beeluhu isu geysteen. Kuma jiro khasaarihii dagaalkii Kalshaale ama Ciidamada Somaliland geysteen. Qodobka 5aad: Waa cadaadinta haddii qayb kale oo Dhulbahante ahi dagaalkii iyo mucaaradnimadii sii wadaan. Qodobka 6aad: Wuxuu cadeynayaa degaamada iyo dadka uu Cali Khaliif metelo, inaan heshiisyadii hore ee la wada galay waxba ka jirin, iyo in la bedelo qaabkii hore ee Ciidamada Beelaha Dhulbahante, oo kuwo Kooxdu keentay lagu bedelo. Qodobka 7aad: Waxaa loo jeedaa inaan Beeshe Maxamuud Barri ee dhowaan Somaliland heshiiska la gashay aan wax ciidamo ah loo qarameyn, heshiiskiina laga baxay. Qodobka 8aad: Wuxuu cadeynayaa in Khaatumo Somaliland ka mid noqotay, siyaasad, dhaqaale iyo nabadgelyo, isagoo ugu baaqaya inay Maamulkiisana si toos ah ula wada wareegto oo gacanta ugu dhigto. Qodobada 9,10, 11aad: Waxaa macnahoodu yahay in NGO ay odayaashu ku shaqaystaan ee The Horn Economic and Social Policy Institute (HESPI) loo fasaxo, islamarkaana Somaliland ka caawiso inuu qaato oo fuliyo mashaariicda waaweyn ee degaamada laga hirgelinayo, iyadoo loola dhaqmayo sida NGO-yada caalamiga ah, qodobkan ayaa ah qorshe u qarsoonaa oo Caliyadu ugu talo galeen inay dhaqaale ku urursadaan. AKHRISO OO DHUUX HESHIISKA: [caption id="attachment_12812" align="alignnone" width="640"] IS AFGARAD DHEX MARAY SOMALILAND IYO KHAATUMO[/caption]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here