KOOXDII KA DAMBEYSAY DAGAALKII KALSHAALE OO WADDANI KU BIIRAYSA

0

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo kooxdii Xisbiga Kulmiye ka baxday ayaa sheegaya inuu gebagebo marayo wadahadal u socday Kooxda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Kooxdan ayaa waxaa hogaamiye u ah ninkii awooda badnaan jiray ee mar ahaan jiray Wasiirka Madaxtoyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan. Kooxdan ayaa mudadii ay awooda Somaliland gacanta ugu jirtay waxyaabaha lagu xusuusto waxaa ka mid ah Dagaalkii Kalshaale ee dhaliyey Xasuuqa ay dad badani ku nafwaayeen. Xirsi iyo kooxdan uu hogaaminayo ayaa shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ugu suntan baal madow, iyadoo aan marna la ilaawi doonin abaabulkii iyo kaalintii ay ku lahaayeen Dagaalkii Kalshaale, Xisbiga Waddanina ku biiristoodu waxay u soo kordhin doontaa hoos u dhac ku yimaada taageeradii uu degaamadaas ku lahaa. Dhanka kale kooxdani markii ay awooda gacanta ku hayeen waxay ahaayeen kuwii uu Xisbiga Waddani eedaynta ugu faraha badan ee Xukuumada Kulmiye u jeedin jiray, ku biirista uu hada la sameynayaana waxay beeninaysaa dhaliilihii ay horey uga sheegi jireen. Todobaadyada soo socda ayaa la filayaa in Xisbiga Waddani uu u sameeyo xaflad soo dhoweyn ah oo ay si rasmi ah xisbiga uga mid noqonayaan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here