Kooxo hubeysan oo islaan waayeel ah iyo gabar yar ku dilay Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa saaka weerar ku qaaday laba gabdhood oo walaalo ah, xaafadda macallin Nuur ee degmada Dharkeynley. Mid ka mid ah gabdhaha ayaa goobtii lagu toogtay ku geeriyootay, halka tan kale uu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana loola cararay isbitaalka Madiina. Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta lagu dilay gabdhahaasi ayaa waxa ay billaabeen baaritaanno la xiriira dilka gabdhahaasi. Dhanka kale haweeneey da’ ah ayaa xalay lagu dilay xaafadda Sey Biyaano ee degmada Hodan, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka hooyadaasi oo caan ka aheyd degmada Hodan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here