Kooxo hubeysan oo nin Turkish ah Muqdisho ku dilay

0

Kooxo hubeysan ayaa salaadii Jimcaha ka dib Muqdisho ku toogtay nin la sheegay inuu u dhashay dalka Turkiga, kaasi oo ka mid ahaa Dad Salaada Jimcaha ku guday Masjidka ku yaalo degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Afaafka hore ee Masjidka oo dhabarka danbe ku haya Jaamacada Soomaaliya ayaa laga maqlay rasaas xoogan oo dabley hubeysan ay fureen, waxaana daqiiqado ka dib la arkay nin Ajanabi ah oo ka mid ahaa dadkii Masjidka ku dukaday oo rasaasta haleeshay ka dibna geeriyooday, sida dad goob joogayaal ah inoo sheegeen. Shacabkii goobta ka agdhowaa iyo kuwa Masjidka ku Dukanayay ayaa durba naxdin dareemay,waxaana ku dhacay kala carar iyagoo baqaya. Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa goobta gaaray,waxayna wadaan baaritaano ku aadan siday wax u dhaceen iyo cida ka danbeysay. Waxaana durba goobta ka baxsaday kooxihii hubeysnaa ee toogashada geystay oo bastoolado ku hubeysnaa. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka, walina kama hadlin Dowlada Soomaaliya dhacdadaan maanta oo jimco ah dhacday.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here