(DHEGEYSO+AKHRISO):KUFSIGII GABDHAHA EE GALDOGOB OO XUKUN LAGA GAADHAY

0

GALDOGOB, Kufsigii dhowaan loogu geystey degmada Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug labo gabdhood dhalinyaro ah ayaa maanta xukun laga soo saaray. Kufsiga oo ay geysteen 6 nin isla markaana gacanta lagu hayo shan ┬áka mid ah halka mid ka mida weli la la’a yahay ayaa culimadii xukunka ka gaadhay dhinacyo badan ka fiiriyeen ciqaabtiisa. Wiilasha falka geystay ayaa mid walba lagu fuliyey ciqaabta lagu xukumay waxayna magacyadoodu kala yihiin: 1-Shirwac Jamac Junle: 200 oo jeedal, 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed. 2-Yaasir Maahir Xaashi, 200 oo jeedal, 8 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed. 3-Ayaanle wale, 100 jeedal, 7 sano oo xarig ah, ganaax lacageed. 4-Yaxye Awkax, 100 jeedal, 6 sano oo xarig ah, ganaax lacageed. 5-C/risaaq Xoosh Jibriil, 100 jeedal, 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed. Ninka aan weli gacanta lagu dhigin ayaa ku jira dadka la xukumay kaas oo lagu fulin doono wakhtiga la helo. Dhegeyso xukunka https://youtu.be/tvSNEi83Kac Akhriso qodobada xukunka ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here