Kulankii Golaha Wasiirada oo loo baajiyay Olole nadaafeed maanta laga sameeyay Muqdisho[Daawo Sawirro]

0

 Kulankii Golaha Wasiirada ee khamiislaha ayaa maanta loo baajiyay olole nadaafeed oo maanta laga sameeyay magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay ku beegneyd maalinta nadaafadda Adduunka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Kuxigeenkiisa Mahdi Guuleed, Wasiiro iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaatay ololaha nadaafada. Ololaha nadaafada ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana Ra’iisul Wsaaaraha iyo Wasiiradiisa ay ololaha nadaafada ka sameeyeen agagaarka Madaxtooyada. Ra’iisul Wasaaraha oo xirnaa dareyska ciidamada milateriga ayaa la arkayay, isagoo wata qalabkii nadaafada loogu tala galay. Hase ahaatee dad badan ayaa arrintan ku tilmaamay mid aanay habooneyn in Ra’iisul Wasaaruhu olole nadaafadeed ku galo dareyska milateriga, maadaama marka nadaafad la sameynayo ay leedahay dhar gooni ah. Munaasabadda maalinta nadaafadda adduunka oo ku beegan 25-ka May ayaa laga xusaa caalamka, iyadoo maalintaas la soo saaro halku dhigyo wacyi gelin oo ku saabsan nadaafada. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here