Maanta oo ah maalintii shanaad ee dalka jabuuti ku shirayaan xubno ka socda khaatumo iyo somaliland ayaa la sheegayaa in qodobada lagu heshiiyay ay kamid tahay sidii dadka abaaruhu saameeyeen si wada-jir ah loogu kaalmayn lahaa, waxaa kaloo lagu heshiiyay in degaanada sool sanaag iyo cayn loo gaarsiin lahaa maamul daadajin lana qoro ciidamo ilaaliya qaranimada somaliland. Xidhiidh aanu la samaynay xubno dhanka khaatumo ka socda ayaa noo cadeeyay inay gudigii dhanka maamulka somaliland ka socday ay soo bandhigeen saami qeybsi iyo taageerida gooni isutaaga somaliland hasayeeshee dood dheer kadib waxaa la isku qanciyay in dib loo dhigo lagana war sugo shirka isimada dhaqanka ku qabanayaan magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn Gudiyada ayaa isla qaatay in halkii laga sii wado wadahadalada khaatumo iyo somaliland inta la ogaanayo awooda ay leedahay kacdoonka shacabka gobolada sool sanaag iyo cayn ee lagu diidanyahay wadahadala khaatumo iyo somaliland,waxaa kaloo isla qaatay in barnaamijyo wacyi-galin ah oo lagu qurxinayo wadahadalda khaatumo iyo somaliland la bilaabo si dadka looga dhaadhiciyo in laba maamul loo wadahadlayo. waxaana hadda arintaasi bilaabay dhanka maamulka khaatumo oo dadka u soo bandhi doona arimo ay ku sheegeen MASIIRI ama lama taabtaan sida labada maamul waxay ku heshiin waayeen arinta Masiiriga ah Filo Goor Dhow Warmurtiyeedki Kulaankodaas ka Soo Baxay Oo Qoraal ah. Goojacade.com Nairobi-Kenya Email:-Goojacade.com]]>