Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan ah oo weeraray deegaanka Bariire

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareeykanka ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku sugnaayeen dagaalyahano al-shabaab katirsan. Howlgalkan wada jirka ah ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay diyaarado Helicopters, waxaana dagaal muddo saacad ku dhow oo ka socday deegaanka Bariire la sheegay in al-Shabaab markii dambe looga saaray. Sarkaal u hadlay Milatariga Soomaaliya, ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska ee Danab iyo kuwa AMISOM ay qaadeen weerar qorsheysan, ayna howl galka ku soo qabteen saanad ciidan iyo sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay soo furteen maxaabiis u xirneyd Al-Shabaab oo ku xirnaa saldhiga Bariire, inkastoo aan la sheegin tiradooda. Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeymo ay fulinayeen diyaarado qumaatiga u kaca, ciidamada wada jirka ayaa howl galka kadib ka soo laabtay deegaanka. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarka ayaa sheegay in Ciidamo Mareykan iyo AMISOM ay weerar ku soo qaadeen, balse ay iska difaaceen.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here