Labadii Cable oo midna la sii wado midna duleedka Laascaanood lagu horjoogo

0

Waxaa weli Duleedka Laascaanood lagu horjooga oo loo diiday in magaalada la soo geliyo Cable (xarig) Internet ay leeyihiin Ganacsato ka soo jeeda degaamada SSC. Xanibaada Cable-kan ayaa waxaa maalin walba ku socda dhaqaale qalab iyo shaqaale. Dhanka kale waxaa dhinaca Hargeysa laga sii wadaa Cable (xarig) Internet oo uu leeyahay nin Ganacsade ah oo ay aad isu dhow yihiin Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waana Ninka xuurtada loogu xidhay Internetka Somaliland, kan Laascaanoodna u xaniban yahay. Codsi ay shacabka SSC u gudbiyeen Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa u muuqda inuu ku dhacay dhego daboolan, ilaa hadana waa loo aamusan yahay, iyadoo habeen kasta oo laga sii aamusana ay ganacsatadaasi gelayaan khasaare hantiyeed. Arintani waxay keentay in taageerayaal badani ay lumiyeen hankii ay ku qabeen Musharax Muuse Biixi Cabdi, oo maalinba maalinta ka dambeysa degaamadaas hoos uga sii dhacaya. Dhowaan ayey ahayd markii dadka degaamadaasi ay isku dayeen inay wadahadalo la yeeshaan Maamulka Somaliland, laakiin waxay u egtahay kuwo aan waxba ka bedeli doonin wixii horey u jiray ee ay diidanaayeen.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here