Liiskii guddiga jaaliyada Belgium ee reer SSC doorteen (Sawirro)

0

09/01/2016 201 shir ay isugu yimaadeen jaaliyadda dhulbahante ee ku dhaqan dalka Belgium ayaa Waxaa lagu doortay guddi ka kooban 5xubnood:- 1)Sheikh Maxamed Cawed Cabbaase Guddoomiye. 2 )Axmed Cawil Caateeye Guddoomiye Xigeen ahna khasnajiga jaaliyadda. 3)Maxamuud Cabdi Warsame afhayeenka jaaliyadda ahna xoghayaha jaaliyadda. 4)Dr Ibraahim Saciid Casayr xubin. 5)Cawil Faanto Xubin. 6)Maxamed Saalax Xubin. Xubnahan ayaa lagu xushay qodobo ay kamid yihiin Aqoonta diiniga ah & tan maadiga ahba, hufnaan,karti & waayo aragnimo ay u leeyihiin arimaha maamulka iyo hawl socod siinta. Guddidan ayaa kusoo beegmaya xilli aysan jirin guddi shaqaysa oo ka jirta waddanka Belgium,waxaana ugu danbaysay jaaliyad shirta ama shaqaysa 2013kii,waxaana goobta laga caddeeyey 2014,2015 & sanadkan 2016 inay nasiib darro ahayd in jaaliyadda intaa le’eg ay bilaa guddi noqoto, waana ta keentay in laysku wada raaco rag & dumar Guddidan cusub. Waxaa dardaaran isla goobta ka jeediyey odayaashii iyo waxgaradkii madasha fadhiyey waxayna dulucda hadalka kusoo koobeen dhawr qodob oo kala ah sidan:- 1)duco loo duceeyey guddida in Eebe hawsha la qabto. 2)in ay mideeyaan dhammaan jaaliyadda dalka ku dhaqan oo kala irdhowday. 3)inay wax ka bartaan khaladaadkii hore ee dhacay ayna dadka si caddaalada ugu adeegaan,lana tashadaan dadkooda. 4 )inay isku xidhaan, mideeyaan jaaliyadda,cidkasta oo waxtabanisana la fashiistaan. 5)inay horumar degdega gaadhsiiyaan dhulkii hooyo iyagoo la kaashanaya dadka guda iyo debbedaba. Sidoo kale Waxaa halkaa ka hadlay dhammaan guddida waxayna codsadeen dhankooda qodobadan:- 1)in lala shaqeeyo,waxkastoo ay ku horumarinayaan jaaliyaddana laga taageero. 2)in lays cafiyo layskuna calool xaadhnaado. 3)inay si dhow ula soconayaan dhibta haysa soo galootiga aan weli sharci qaadan ama negative ka haysta sidii loo caawin lahaa. 4)in la sameeyo sanduuq dhaqaale si loo daboolo baahiyaha jira gudo & debedba. Ugu danbaytii Waxaa jawigu kusoo idlaaday farxad iyo rayn -rayn,soo dhoweyn & sacab sida sawirada ka muuqata. [gallery columns="4" td_gallery_title_input="J Belgium" ids="4720,4721,4722,4723,4724"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here