Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa ku guuleysatay koobka Champions League, kadib markii ay caawa fiidnimadii labo gool kaga badisay kooxda Tottenham.
Labadda gool waxaa kooxda Liverpool u dhaliyey ciyaaryahanada kala ah, Mohamed Salah iyo Divock Origi.
Liverpool ayaa markii lixaad noqotay European Champions.