London oo dad lagu tooriyeeyey 3 qofna ku dhaawacantay

0

Nin Tooriyey sita ayaa xalay fiidkii weeraray dad goob boosteejo ah oo ku taallla London wuxuuna dhaawac gaarsiiyey 3 qof, oo mid dhaawaciisu culus yahan, labada kale ay soo gaareen dhaawacyo fudud. Booliska UK ayaa hada arinta u baaraya sida dhacdo argagixiso. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay inuu arkay nin minddi haysta oo meel dhowr tallaabo u jirta taagan, oo dul taagan qof qofka jiifa iyo dadka oo ka kala cararaaya boosteejada bartamaha London ee Leytonston. Taliyaha hogaaminaya ciidamada waxa loogu yeeray argagixisa ladagaallanka Richard Walton, waxa uu sheegay “in arrintan ay ula dhaqmayaan sida dhacdo argagixiso”, wuxuuna dadka London ku nool u sheegay inay feejignaadaan oo ayna isdejiyaan, lana socdaa hareerahooda xaaladda ka taagan. Waxa uu intaasi ku daray in weerar argagixiso ay aad suuragal u tahay inuu ka dhoco London. Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay fiidiyowyo muujinaya qofka wax weeraray oo minddi sita iyo iyadoo boolis ay ku hareereysan yihiin asigoo qeylinaaya. Waxaa kala go’ay qadadkii isku xirayay bartamaha London tani iyo markii boostiijada la weeraray. Majirin tareenno isaga kala gudbay wadada Liverpool iyo Woodford iyo Newbury xalay oo dhan, qadadkale ayaa iyaguna aad dib loogu dhigay. Laakiin waxaa la sheegayaa in dadka loo ogolaaday inay tikityada ay haystaan ay ku raacaan basaska gudaha ka dhex shaqeeya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here