Maamulka Banaadir oo bilaabay fujinta boorarka afafka qalaad ku qoran

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa saaka bilaabay howlgal lagu fujinayo boorarka ku qoran afka qalaad ee wadooyinka iyo goobaha ganacsi ku dhegan, waxaana howlgalkan ujeedkiisu yahay in lagu hormariyo afka Soomaaliga. C/fitaax Cumar Xalane oo ah afhayeenka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dhamaaday waqtigii ganacsatada loo qabtay in ay ku fujiyaan boorarka ku qoran afka qalaad. “Maanta ayay tahay maalintii u dambeysay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u qabtay in boorarka Ganacsiga ee ku qoran afafka Qalaad laga fujiyo, ujeedka ma ahan la dagaalanka luqadaha ajnabiga ee waa in luqada Soomaaliga oo far waaweyn lagu qoray ka muuqato qeybta kore, halka qeybta hoose lagu qoro luqadaha kale” ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane. Ciidamo gaar ah ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalkan, iyadoo cidii diida fulinta amarka guddoomiyaha gobolka la ganaaxi doono. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yusuuf Xuseen Jimcaale, ayaa amar kasoo saaray booror ku qoran afafka qalaad, isagoo xusay in qeybaha kore far waaweyn loogu kormariyo afka Soomaaliga si kor loogu qaado luuqada hooyo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here