Maamulka Banaadir oo la wareegaya sugida ammaanka Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxa xalay lagu qabtay kulan looga hadlayay xaaladda amni ee caasimada. Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuur Yare, ayaa kulanka ka dib sheegay in kulanka lagu go’aamiyay in wixii hadda ka dambeeya mas’uuliyada ammaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyo maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adihiisa ammaanka. Tuur Yare ayaa intaa raaciyay in maamulka gobolka lagula xisaabtami doono ammaanka caasimada. Muqdisho ayaa waayadan waxaa ku sii kordhayay weerarada Alshabaab, oo kii ugu danbeeyay ay ku dhinteen dad kabadan 20 qof, kuna dhaawacmeen tiro kor u dhaafaysa 40 qof.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here