Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo loo bixiyey Hirshabeele

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in la bixiyay Magaca maamulka Loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kadib ergooyinka labada Gobol ay isku raaceen in Maamulka Cusub loo bixiyo Hir Shabeele oo laga soo gaabiyay magaca labada Gobol. Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa si habsami leh malintii afaraad kaga socda Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Ergada ayaa loo qeybiyay maanta ilaa 5 koox waxayna ka doodeen wax ka badalka qabya qoraalka dastuurka iyo dhameeystiirkiisu qodobada muhiimka ah oo ay ku jiraan Halka caasimadda u noqonayso dowlad Goboleedka Hiiraan Iyo Sh/dhexe, Magaca dowlad Goboleedka, astaanta iyo calanka maamulku uu yeelan doono. Balse waxaa Goordhaweyd lagu dhawaaqay Magaca maamulka loo sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo noqday Magaca Hir Shabeelle.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here