Maamulka Sh/hoose oo sheegtay inay dad ka qabteen kooxdii weerartay Afgooye

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen degmada Afgooye iyo degaanno hoostaga ay ku soo qabteen sadex xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab iyo hubkoodiiba. Ibraahim ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dambeeyey ka dib markii Al-shabaab Habeen ka hor weerareen saldhiga degmada, Guriga Guddoomiyaha degmada Afgooye iyo Baro Koontarool oo Ciidanka Dowladda ka joogeen degmadaas. Waxaa uu sheegay in Degaannada Sabiib iyo Mareerreey ay kala wareegeen Al-shabaab, haddana ay Shabaabku ku sugan yihiin degaanka Bariirre ee duleedka degmada Afgooye. Ciidanka NabadSugidda Soomaaliya iyo kuwa Milatariga ayaa howlgal ka wada Tuulooyin hoostaga degmada Afgooye oo la sheegay iney joogaan xoogagii habeen hore soo weeraray degmadaas. Al-shabaab ayaa guul ka sheegtay dagaalka Habeen hore ay ka fuliyeen degmada Afgooye, waxayna intaa ku dareen inay qabsadeen degmadaasi, saacado kadibna iskood baxeen, waxaana weerarkaas lagu dilay toban ruux oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka dowlada.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here