Maayarka magaalada New York oo u digay Donald Trump

0

Duqa magaalada New York oo ah Dimuquraadi, Bill de Blasio, ayaa sheegay inuu Donald Trump ku wargeliyay in bulshooyiinka magaaladaasi ku nool ay ka baqayaan qorshihiisa masaafurinta muhaajiriinta. Waxa uu tilmaamay Mr De Blasio in madaxweynaha la doortay uu uga digay inuu tallaabada noocaas ah fuliyo. “Waxaan u sheegay inaan sameynaayo waxkastoo aan awoodo si aan u difaaco soo galootiga aan sharciga haysan, si qoysaska aanan loo kala geyn”. ayuu yiri maayarka. Maayarka magaalada New York, oo ah meesha uu deggan yahay Trump, wuxuu xaqiijiyay in magaaladiisa ay tahay meesha ugu dambeysa ee soo galootiga. Mr Trump wuxuu sheegay inuu masaafurin doono ama xabsi gelin doono qiyaastii seddax milyan oo qof oo si sharcidaro ah ku galay ee horeyna dembiyo u geystay. Sidoo kale maayarada magaalooyiin ay ka mid yihiin Los Angeles iyo Washington ayaa wacad ku maray inay difaaci doonaan muhaajiriinta.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here