Macedonia oo Darbi labaad oo ka hortag qaxootiga ka dhistay xuduuda Gariiga

0

Ciidamada Macedonia ayaa qaatay tallaabo ay kaga hortageyso qaxootiga tirada badan ee kasoo gudbaya xuduuda uu dalkaasi la wadaago Greece. Afhayeen u hadlay dowladda Macedonia ayaa sheegay in tallaabada labaad ee derbiga lagaga dhisay xuduuda Greece in ay tahay hubinta dadka qaxootiga dhabta ah ee soo gelaya dalkooda, taasina aysan macnaheeda aheyn in la diiday qaxootiga u dhashay Syria, Iraq iyo Afghanistaan oo la ogol yahay in ay ka gudbaan soohdinta. Qaxootiga ka yimaada dalalka kale ee Africa ayaa ka mid ah dadka laga hor istaagay in ay gudaha u galaan dalka Macedonia, taasoo ah fariin loo diray dalalka Africaanka ah. Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ayey ciidamada dalka Macedonia gidaar ka dhiseen xadka ay dalka Giriiga kala leeyihiin dhinaca koofurta si loo joojiyo dadka faraha badan ee tahriibka. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here