MADAX DHAQAMEEDKA BEELAHA GOBOLADA HAWD IYO MAROODIJEEX OO KULAN LA QAATAY PROF CALI KHALIIF GALAYDH IYO WEFTIGIISA+SAWIRO

0

Hargeysa(Goojacade News):-Madax dhaqameedka ka soo jeeda gobolada Maroodi jeex, Hawd,Saaxil, Togdheer iyo Daad Madheedh ayaa kulan afur iyo casho ah u sameeyey wefti uu hogaaminayey Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof  Cali Khaliif Galaydh oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Hargeysa. Kulankan afurka iyo cashada ah ayaa waxa ka soo qayb galay guud ahaan salaadiinta beelaha Arab, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale. Suldaanka Guud ee beelaha Hawd, Hargeysa iyo gobolada kale Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka furay kulanka ay la qaateen weftiga uu hogaaminayo prof Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii ay salaadiinta uu hogaaminayaa xog waraysan ula yeelan lahaayeen weftiga Prof Cali Khaliif. Sidoo kale saladiinta kale ee Suldaan Bare Xaaji Xuseen, Suldaan Cabdilaahi Laydh, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi, Suldaan Foolgaawe iyo Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Prof Cali Khaliif Galaydh iyo weftiga uu hogaaminayo. Dhinaca kale prof Cali Khaliif Galaydh oo isaguna ka hadlay kulankan ayaa ka mahad celiyey soo dhawaynta loo sameeyey, waxaanu ka waramay muhiimada ay leedahay in dadka isku ehelka ahi isku duubnaadaan isla markaana iska war hayaan. Sidoo kale Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa ka waramay xaalada deegaanada uu ka soo jeedo ee Sool,sanaag,ceyn, waxaanu ka waramay dagaalo deegaanadaasi ka socda oo loo baahan yahay in xal laga gaadho. Ugu dambayna labada dhinac ayaa isku af gartay in si joogto ah layskaga war hayo isla markaana waxa lagu balamay kulan balaadhan oo Weftiga Prof Cali Khaliif Galaydh lagu casuumo magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd. Daawo Sawirada Kulaanka:- ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here