Madaxda dowlad gobolleedyada oo lagu wado in ay gaaraan magaalada Dhuusa-Mareeb

0

Magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ka socta qabanqaabada munaasabad ballaaran oo lagu wado in lagu dhameystiro heshiiskii horey u dhaxmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa ku heeshiiyay in labada maamul la mideeyo kaddib wada hadalo ka dhacay Jabuuti laguna soo gabagabeeyay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dhuusa-Mareeb ayaa waxaa saacadaha soo socda gaari doona wafuud kala duwan oo ka socta dowladda dhexe iyo Madaxda dowlad gobolleedyada oo dhamaantood goob joog u noqon doona dhameystirka heshiiska labada dhinac.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan, Wasiirro Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sidoo kale la filayaa in ay ka qeybgallaan munaasabada.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa noqonaya madaxa xukuumadda maamulka Galmudug, taasoo meesha ka saareysa jirintaanka maamulkii gobollada dhexe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maanta u Anbabixi laha Dhuuso-mareeb ayaa dib uga laabtay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacayo ka dib marki  Marki Diyaaradi UN-KA ee Qaadi-laheyd ay Diiday inay Qaado Boorsooyinka Madaxda Baaritaan la’aan.

Masuuliyiinta Diyaarada ayaa ku Andoocanayay in  Bad-baadada diyaarada ay ka bilaabato dhulka sidaas daraadeedna ay  waajib tahay in labaaro agabka ay Madaxdu wataan ,ugu danbayntiina waxaa Kacday Diyaaradii oo aanan wax rakaab ah wadin.

Goojacade News

Garowe-Puntland

Email:-Goojacadewebsite@gmail.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here