Madaxda Maamulgoboleedyada oo la filayo inay maanta Muqdisho gaaraan

0

Madaxweynaha Puntland dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho. Safarka C/wali Gaas ayaa la sheegay inuu la xiriiro ka qeyb galka shirar looga hadlayo Hiigsiga Soomaaliya isla markaana Hogaamiyaasha Soomaaliya ay ku go’aamin doonaan Nuuca Doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta Dabayaaqada Sanadkan. Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyay imaanshaha Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali uu imaanayo Magaalada Muqdisho. Sidoo kale qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada ee kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyaguna imaanaya Magaalada Muqdisho si ay shirkaas uga qeyb galaan. Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida u qabatay in 28-ka Bishaan ka hor ay go’aan ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta, kadib markii waxba ka soo bixi waayeen shirkii Kismaayo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here