Madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya oo Digniin culus loo jeediyay

0

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga digay Madaxda ugu sareysa dowlada sida Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha in ay qaadaan wadooyinkii ay ku fashilmeen madaxdii ka horeesay. Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa uga digay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha in ay horseedaan cadaalad daro saameyn ku yeelata dowladooda. Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Dowlada ay sameysay tilaabooyin fiican oo lagu amaani karo balse ay sidoo kale dowlda sameysay cadaalad daro iyo in ay hareer martay habka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed . Xildhibaan Dalxa ayaa uga digay dowladan cusub in ay lamid noqon dowladihii hore ee magacyada kala duwan loo bixiyay kuna shaqeenayay habka kooxeysiga iyo dhabar ka taabashada taa uu sheegay in fashilin karto dowlada. Xildhibaano kale oo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ku dhaliilay magacaabista Taliyaasha iyo Wasiirada ay sheegeen in ay hareer mareen habka awood qeybsiga beelaha. Xafiiska Shabakada Goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here