Madaxwaynaha Gambia oo qirtay in laga guulaystay doorashadii

0

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa sheegay in Yahya Jammeh uu qirtay in lagaga guulaystay doorashadii Khamiistii dhacday. Wuxuu intaas ku daray in ay ahayd wax aan la saadaalin karin in hogaamiyaha Gambia uu qirto in lagaga guulaystay doorashada ka hor shaacinta natiijooyinka rasmiga ah. Ilaa iyo hadda Yahya si toos ah isagu ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yaryahay Adama Barrow oo ah hogaamiyaha mucaaradka. Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii. Dalkaas galbeedka Afrika kuyaalla awooda si sahlan loolama kala wareegin tan iyo markii uu xornimada helay 1965-tii.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here