Madaxweynaha Gaas oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha-Sawiro

0

”Wasaaradda waxaa lagu dhisay dhaqaalhii dalka, isku tashiga Puntland, waxayna ka mid tahay mabaadii’da aanu aaminsanahay oo ah in dhismaha Dawladda nimo Puntland si dhaba uga hirgalaan, dabcan dhismaha Dawladd-nimo waxaa ugu horeeya in wasaaradihii dhisan yihiin degaan ay ku shaqayn karaana ay leeyihiin, shaqaale ku filan oo khibrad leh ay leeyihiin, in adeegii iyo shaqooyinkii waajibka ahaa  ee ay dalka u qabanayeena ay si wanaagsan u fushanayaan” ayuu yiri Madaxweyne Gaas Madaxweyn Gaas wuxuu kaloo kormeray xaafisyada Wasaaradda, halkaasi oo uu mid mid u xogwaraystay dhammaan hawl-wadeenada xafiisyada wasaaradaasi, isagoona ugu danbayna sheegay in   dhowaan uu furi doono Wasaaraddo kale  iyo  mashaarico kale oo iyana horle oo dalka laga hirgaliyay, isagoo xusay in mashaariicdani ay   ka mid tahay cayilinta Dawladda Puntland Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed  oo ka hadlay qadarka lacagta ku baxday dhismaha, wuuxu  sheegay inay  ku baxayday lacag dhan $3,72,000 oo dollar, taasi oo kutimad  halku dhigii Madaxweynaha Puntland oo hirgalay kaasi oo ahaa ”Puntland ha isku tashato”   Daawo Sawirada Xarunta Cusub:-       Goojacade.com Garowe-Puntland Email:-Goojacdewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here