Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi la socda oo Muqdisho tegay

0

Waxaa galabta magaalada soo gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, waxayna booqashadiisa salka ku haysaa kulamo uu la qaadanayo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha beesha caalamka. Ka hor inta aysan kasoo ambabixin garoonka Jowhar ayaa waxaa garoonka kusii sagootiyay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale. Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in booqashadiisa Muqdisho ay tahay tii ugu horeysay isla markaana uu caasimada dalka kula kulmi doono madaxda dowladda iyo beesha caalamka iyo wadatashiyo uu la sameynayo bulshada labada gobol. “Waxaan caasiamda dalka kula kulmi doona beesha caalamka, waxaan kale oo la tashi la sameyn doono bulshada labada gobol, waxaa bilowday halgankii hergalinta dowlad goboleedka”ayuu Wariyeyaasha u sheegay ka hor inta aanu ka soo ambabixin magaalada Jowhar. Waxaa la filayaa in caawa xarunta madaxtooyada uu kula kulmo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud oo la rumeysan yahay inuu gacan ku lahaa doorashadii Madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle. Isniintii lasoo dhaafay ayaa magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo horyaalaan shaqooyin badan oo u baahan in si degan looga gudbo, maadaama maamulka curdan yahay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here