Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil oo la filayo inuu ku guuleysto doorashada

0

Doorashadii saakay ka bilaabaday Jamhuuriyada Jabuti ayaa si wanaagsan usoo gabagabowday, iyadoo caawa la filayo in la shaaciyo natiijada musharaxa ku guuleysta xilka Madaxweynenimo ee Jabuuti. Doorashadaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay 190,000 qof oo codkooda ka dhiibtay 456 goobood oo dadka codkooda ka dhiibanayeen. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu cad cad doorashadaan inuu mar kale ku guuleysto, waxaana kula tartamayay musharaxiinta mucaaradka oo dhaliilay qaabkii maanta doorashada u dhacday. jabuuti-codeyn-geelle-3Musharaxiinta xisbiyada mucaaradka ayaa sheegaya in wax isdaba marin ay ka socoto doorashada ayaga oo ku andacooday in taageerayaashooda laga horistaagay inay codkooda dhiibtaan. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa 17 sano xukumayay dalka jabuuti, waxayna dadka u arkaan mid xukunka ku dhegan. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here