Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo magacaabay ku xigeenadiisa

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo in muda’ah laga sugayay in uu ku dhawaaqo madaxweyne ku xigeenadiisa ayaa maanta waxa uu soo saaray qoraal saxaafadeed oo uu ku saxiixan yahay, kaas oo uu saxaafadda uu u aqriyay Afhayeenka Maamulka Jubbaland C/naasir Seerraar Maax. Madaxweyne ku xigaanka kowaad ayaa waxaa loo magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, Halka ku xigeenka labaadna loo magacaabay Ninkii xilkaasi horey u ahayay C/qaadir Xaaji Maxamed Luga dheere. Mohamud Sayid aadan ayaa ahaa siyaasi kamid ah siyaasiyiintii ku dhawaaqday maamulkii Bur-buray ee 6-da gobol ee koonfur galbeed, waxa uuna madaxweyne ku xigeen ka soo noqday maamulkaasi 6 gobol ee looga dhawaaqay Deegaanada Konfurgalbeed, wuxuuna markii danbe u soo wareegay dhanka maamulka Jubbooyinka. Madaxweyne ku xugeenkii hore C/laahi Sheekh Ismaciil Fartaag ayaa weli iminka ku sugan gobolka Gedo, lamana oga in lagu wargaliya xil ka qaadista lagu sameeyay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here